Diyaarad ay ciidanka Kenya leeyihiin oo ku burburtay magaalada DHOOBLEY

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay diyaarad nooca milatariga ah oo ay leeyihiin ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ee ka socda Soomaaliya ay ku burburtay garoonka diyaaradaha degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Diyaaradda oo sahay u siday ciidamada Kenya ee ku sugan degmadaasi ayaa la sheegay inay shil gashay xilli ay dooneysay inay caga dhigato garoonka Dhoobley.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay shilkaasi, iyadoona ay ku dhaawaceem illaa saddex kale oo dhammaan ahaa howl-wadeenadii la socday diyaaradda burburtay.

Khasaaraha ayaa lagu soo warramayaa inuu yareeyey dadka la socday diyaaradda oo aad u koobnaa.

Sidoo kale waxaa lagu guuleystay in la damiyo dab qabsaday diyaaradda oo la soo wariyey inay dhacday xilli habeen ah.

Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee dhalisay shilkaasi diyaaradeed, weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Kenya.

Shilalka diyaaradeed ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ku soo badanayey gudaha Soomaaliya, waxaana ay aheyd dhowaan markii diyaarad u socotay ciidamada Jabuuti ay ku dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee Ugaas Khaliif.