Jubbaland oo ka hortimid tallaabo ay xukuumadda Somalia qaaday (Warbixin)

Kismaayo( Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hor-yimid ansixintii Golaha Wasiirada ee Golaha Adeegga Garsoorka iyo Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed.

Sayid Aadan oo warbaahinta ugu warramay Kismaayo ayaa tilmaamay in hannaanka loo maray ansixintaas ay tahay mid sharci darro ah, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la soo xulay dad gaar ah, oo uu tilmaamay in aan lagala tashan dhinacyadii ay quseysay, sida maxkamadda sare iyo bulshada rayidka.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sidoo kale carabla ku dhuftay in xilligan oo lagu jiro marxalad kala guur ah aysan habooneyn in la dhiso labadaasi guddi.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Golaha Wasiirada ay haatan shaqadooda tahay kaliya xil-gaarsiin, inta laga soo dhisayo xukuumada cusub.

Jubbaland ayaa noqotay maamulkii labaad ee ka horyimaada ansixintii Golaha Adeegga Garsoorka iyo Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed, waxaana ka horreeyay Puntland oo sharci darro ku tilmaamay dhismaha guddiyadaasi.