BF oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyey in G/Banaadir uu 13 kursi ka helo Aqalka Sare

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa goor dhow cod aqlabiyad leh ku meel-mariyey xeerka matalaada gobolka Banaadir, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Illaa 142 Xildhibaan ayaa u codeeyay in gobolka Banaadir uu 13 xubnood ku yeesho Aqalka Sare , halka ay diideen illaa 4 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Muddooyinkii dambe xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka doodayey xeerkan oo dood badan dhaliyey, kadib markii guddiga wadajirka ee loo xilsaaray xeerarka doorashooyinka ay soo gudbiyeen in 7 xubnood kaliya gobolka Banaadir laga siiyo Aqalka Sare.

Waxaa jiray saakay xildhibaano dhawr ah oo Guddoomiyaha Baarlamaanka u gudbiyey qoraal ay ku codsanayaan in kulankaan aan loo golaan saxaafadda taasoo uu diiday guddoomiyaha, waxayna xildhibinaadaas ahaayeen kuwa diidan in Gobolka Banaadir uu maqaam ku yeesho aqalka sare.

Tani ayaa ka dhigan in Aqalka Sare ay tiradiisa guud ay noqon doonto 67 Senator, halka markii hore uu ka ahaa 54 Senator oo Maamul goboleedyada ka socday.