BF oo go’aan ka gaaraya jhasaaraha Hormuud iyo SOMTEL ee ciidanka Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta golaha Shacabka, kulankaasi oo ay kaga hadlayaan ajandayaal ay kamid yihiin heshiiska caalamiga ee Naafada oo dhawaan golaha wasiirada ay u codeeyeen.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa yeelanaya kulankooda 15 aad, waxaana kulanka maanta ku jiro qodobo muhiim ah, sida u codeynta sharciga Naafada oo dadka naafada ay aad u daneynayaan.

Ajandayaasha Shirka waxaa sidoo kale kamid ah in xildhibaanada baarlamaanka ay dhageystaan warbixin ku saabsan khasaaraha loo geystay shirkadaha Hormuud iyo SOMTEL, kuwaasi oo kasoo gaaray burburinta ciidamada Kenya ay kula dhaqaaqeen.

Ajandayaasha ayaa kala ah:-

1.U codeynta heshiiska caalamiga ah ee naafada.

2.Warbixinta Khasaarooyinka loo geystey shirkadaha Hormuud iyo Somtel.

3.Akhrinta labaad wax ka bedelka sharciga Saxaafadda

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa lagu wargeliyay inay kulanka maanta ka qeyb galaan,

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa si faahfaahsan u helaya khasaaraha shirkadda isgaarsiinta Hormuud kasoo gaaray ciidamada Kenya, waxaana kadib la filayaa inay qaraar ay kasoo saareen.

Shirkadda Hormuud ayaa burbur xoogan kala kulantay ciidamada Kenya, waxaana maanta lasoo bandhigayaa Khasaaraha Guud ee Shirkadda Hormuud kasoo gaaray Ciidamada Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com