Xildhibaan Dhakool waxaa haysta cuqabadii xerrkii uu golihiisu hagraday..!!

Berigii dhowayd ee aan Baarlamaanka ka baryaynay inay Xeerka Booliiska u daayaan qaabkii shacabka u tudhayay, ayaanu ku nidhi weligiin xildhibaano xasaanad leh ahaan maysaane u eega sidii qof shacab ahi u eegi lahaa.
Burkaba kamaan filayn iyana xisaabta kumay darsan in iyaga oo weli xildhibaano ah ay ku dhacayso. Waxaaynu hada hadal haynaa xildhibaan xasaanad leh oo la xidhay, lama xidhin oo keliya ah ee gurigiisa la galay goor habeenimo ah oo ka danbaysay xiliga sharcigu ogolaa in guri dad la galo xitaa hadii waaran la haysto, in gudoomiyihii Golaha Wakiiladu ku cawday in loo diiday inuu soo arko.
Mid baan bartay: waxa inagu yar damqashada. Qofka markay soo gaadho ama ka ay wax isku yihiin ay soo gaadho ayuun buu xanuunsada, inta ka horaysa wuu kula yaabayaa.
Rasuulku (SCW) wuxuu inoo sheegay in dadku noqdo sida hal jidh keliya oo isku damqado. Inta taasi maqan tahay maalinba qof iyo koox ayaa ooyi, inta kale ayaa dhoosha ka qosli.
Markasta oo aan is idhaahdo aamus oo dib ha u hadlin waxa i qiiro gelisa hooyo aan iyadu waxba galabsan oo gurigeedii loogu galay saq dhex iyada oo nabad ku soo hooysatay, eedna isku ogayn.

Qiyaas ilmaha gurigaas hurday ee aan isagu/iyadu waxba galabsan.

W/Q: Garyaqaan Guuleed Dafac

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid