Cabsi ka jirta Laascaanood iyo ciidamada Somaliland oo heegan la geliyay

Laascaano (Caasimada Online) – Xiisad adag ayaa magaalada Laascaano ee gobolka Sool, waxaana heegan la geliyay ciidamada amaanka maamulka Somaliland.

Xiisadda ayaa ka dambeysay kadib markii dadka deegaanka ay ka hor yimaadeen xuska maalinta 18 May oo ku beegan maalinta Somaliland u aqoonsatay inay tahay maalinta xoriyadda Somaliland.

Dadka deegaanka ayaa lasoo baxay calanka Soomaaliya, iyaga oo sheegay inaysan maalinta 18 aysan u aqoon inay tahay maalinta xoriyadda Somaliland.

Somaliland ayaa ciidamadii ugu badnaa geysay magaalada oo maalmihii ugu dambeeyay xiisad dhanka qabiilka ku saleysan ay ka taagneyd, waxaana ciidamada la dhigay bartamaha iyo hareeraha magaalada.

Deegaanada Somaliland ayaa looga dabaal dagayaa maalinta Xoriyadda Somaliland, iyadoo Hargeysa lagu qabtay xaflad ay ka qeyb galeen masuuliyiinta Somaliland oo madaxweynaha uu ugu horeeyo.

Cabsi ayaa ka jirta magaalada, waxaana laga baqayaa inay isku dhacaan ciidamada maamulka Somaliland ee heeganka ku jiro iyo dadka deegaanka.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@live.com