BFS oo mar kale ku dheggan Guuleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta markale waxa ay maanta su’aalo weydiinayaan Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed, su’aalahaasi oo ku aadan arimaha amniga dalka.

Shalay ayaa Xildhibaanada su’aalo ay weydiiyeen, Wasiirka waxaana su’aalo weydiinta hartay ku dhawaad 30 Xildhibaan oo maanta Wasiirka amniga su’aalaha weydiin doona.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xisaabtan adag kula jira qaar kamid ah Wasaaradaha dalka gaar ahaan Wasaaradaha amniga Gaashaandhiga iyo arimaha gudaha.

Amuurahaan waxa ay ka dambeyeen kadib markii Muqdisho lagu dilay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo caro gelisay Xildhibaanada Baarlamaanka.

Sidoo kale gelinka dambe ee Maanta waxaa Baarlamaanka hortgaya Wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka C/laahi Goodax Barre oo isaga su’aalo la weydiin doono.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com