Maraykanka oo ka dayriyey Soomalida ku xabisan garoonka Kazarani, Nairobi

Shir ay Jaalliyadda Soomaalida ku dhaqan Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka shalay qabanqaabiyeen ayaa looga hadlay Falalka ay Boliska Kenya ku raafayaan Soomaalida sharci-darradda ku joogta dalkaasi.
Madaxa Naadiga Muwaadinta Soomaalida ku nool Gobalka Minnosata, Jibril Afyare ayaa sheegay inay cambaareynayaan Hawlgalka Boliska Kenya ku raafayeen dadka Soomaalida.
Jibril Afyare waxa uu sheegay in Raafka lagu hayo Soomaalida ku nool Kenya tahay xiisad caalami  iyo mid Aaminimo, isla markaana loo baahan yahay inay Beesha Caalamka wax ka qabtaan tacadiyadaasi ka baxsan Xuquuqda Aadanaha.
Tobaneeyo Hoggaamiyayaal ka mid ah Jaalliyadda iyo Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee haya talada Maraykanka iyo Ururka Adduun bilaa Xasuuq sh  ayaa ka soo qeyb galay Kulankaasi.
 Karen Kalerk iyo Keith Ellison oo ah Mudanayaal ka tirsan  Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin Hawlgalka ay Boliska Kenya ku raafeen dadka Soomaalida.
Kareen Kalerk waxay sheegtay inay  tahay wax laga argagaxo waxa Soomaalida ku haysta Garoonka Kazarani ee magaalladda Nairobi.
“Kazarani ma aha magac, waxaan doonayaan in aaan haatan iska illaawo Kazarani.
Waxay sheegtay inay diyaarinayso sidii Qaraar cambaarayn ah looga soo saari lahaa tacadiyadda Soomaalida ku haysta Kenya.
Keith Ellison ayaa isagana sheegay inuu kiiskaasi geyn doono halka looga taliyo Maraykanka, isla markaana uu doonayo inuu Safiirka Kenya u fadhiya Washington la kulmo si uu u gudbiyo in wax laga qabto dhibaatooyinka  dadka Soomaalida ku haysto Garoonka Ciyaaraha ee Kazarani ee magaalladda Nairobi.
“Dalka waa waddan isir-nacayb ka jiro, waxa uu Xafiiskayga tusaale u noqonaya sidii ay Boliska Kenya u joojin lahaayeen tacadiyadda ay dadka Soomaalida u geystaan, waana sii wadi doonaa cadaadiska arrintaasi” ayuu yiri Keith Ellison oo ah Siyaasiga keliya ee Muslimka ah ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka.