Xildhibaan si kulul uga hadlay ficil ay Ethiopia ku xirtay mas’uuliyiin ka..

Muqdisho(Caasimada Online)-Iyadoo weli ciidamada Itoobiya ay gacanta ku hayaan masuuliyiin ka tirsan ururka Ahilu sunna Waljamaaca iyo waxgarad doonayay inay kormeeraan deegaano biyo la’aan ay ka jirto ayaa arintaas waxaa ka hadashay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Jawaahir Axmed Cilmi, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in wax aad looga xumaado ay tahay in dad gurmad biyo dhaamin ka wadan gobolka Galgduud ay xerato dowlada Ethiopia.

Xildhibaanada ayaa ku baaqday dowlada Ethiopia inay sii deyso masuuliyiinta iyo waxgaradka ku xeran dhulka ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia, kuwaasi oo la xeray maalmo ka hor.

Iyadoo u waramaysay Goobjoog ayay sheegtay inay wanaagsan tahay in dadkaasi lagu tixgeliyo howsha bini’aadanimada ee ay ka wadaan deegaanada biyo la’aanta ay ka jirto ee gobolka Galgaduud.

Waxaa dadkaas laga qabtay deegaan lagu magacaabo Toos-dheer oo u dhaxeeya xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxayna hadda ku xiran yihiin saldhigga Labo-baar.

Maamulka Ahlu sunna ayaa horay u sheegay inay dadaal u galayaan sidii loosoo deyn lahaa masuuliyiinta Ahlu sunna ka tirsan iyo waxgaradka ciidamada Ethiopia ay ka xereen deegaanka Toos-dheer.

Biyo la’aan baahsan ayaa ka taagan deegaanada gobolka Galgaduud iyo Hiiraan, kuwaasi oo sababay in dad badan ay u geeriyoodaan biyo la’aanta ka jirta deegaanadaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com