Somali loo diiday inay ku noolaadaan laguna amray inay ka baxaan dalka…

Holland(Caasimada Online) – Xildhibaanoka tirsan baarlamaanka Holland ayaa sheegay in arin aan la aqbali Karin ay tahay in seddex ruux oo burcad badeednimo qirtay ay helaan aqoonsi qaxootinimo ay ugu noolaan karaan dalkaasi.

Seddexda ruux oo Soomaali ah ayaa la sheegay inay qirteen inay yihiin burcad badeeda, iyadoo loo diiday inay si qaxooti ahaan ay ku joogi karaan dalkaasi Holland, sida xildhibaano baarlamaanka ka tirsan ay ku doodeen.

“Qaswadayaashaasi waa in dalka sida ugu dhaqsiyaha badan looga ceriyaa uguna macquulsan”sidaasi waxaa xildhibaan Malik Azmani oo ka mid ah baarlamaanka dalka Holland.

Burcad badeeda ayaa la sheegay in laga sii daayay xabsi ku yaala dalkaasi, laakiin aan dib loosoo celin kadib markii ay dalbaddeen in magangalyo lagu siiyo dalkaasi, iyadoo wali ay socdaan qorshaha ku aadan sidii laga yeeli lahaa.

Xildhibaanka ayaa ku andacooday in burcad badeedaasi ay toogteen askar Holland u dhalatay iminkana ay dalbadanayaan inay ku noolaadaan dalkaasi, isagoo taasi mid aan macquul aheyn ku sheegay.

Seddexdaasi ruux ayaa ka mid ah sagaal burcad badeeda ah oo sanado kala duwan lagu xukumay, laakiin iyaga sanadkii 2011 ayaa lagu xukumay 4 sano iyo bar. Iyadoo laga qafiifay xukunkoodii.

Caasimada Online

Xafiiska Holland

Caasimada@live.com