BFS oo u yeeray safiirka dalka Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaaanka Soomaaliya, Prof Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa saxaafadda u sheegay in safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameerika uu hor- imaanayo baarlamaanka si xildhibaannada si uu faah-faahin uga bixiyo tacadiyada loo geesto Soomaalida ku nool Kenya gaar ahaan xarigii dhawaan lagula kacay qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

Wuxuu sheegay oo kale in mudanayaasha baarlamaanka ay fursad u heli doonaan siddii ay u ogeyn lahaayeen dhibaatada lagu hayo Soomaalida Kenya lagu hayo.

“Waxaan rabaa in aan xaqiijiyo waxaa dhawaan noo immaan doona safiirka Kenya noo fadhiya si u sharraxaad nooga siiyo howgallada lagu qabqabanaayo Soomaalida  iyo xariggii ciidamada Kenya ay kula dhaqaaqeyn qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya, Siyaad Maxammuud Shire”ayuu yiri Jawaari.

Si kastaba, afhayeenka baarlamaanka ma cayimin maalin rasmi ah oo safiirka uu hor immaan doono mudanayasha baarlaamanka.

Waxaa sheegis mudan in safiirka Soomaaliya ee Kenya uu hadda ku sugan yahay magaalada Muqdisho kaddib markii shaley uu yimid taasoo ka dambeesay markii xukuumadda ay u yeertay.

Dowladda Kenya ilaa hadda kama hadlin tallaabada ay qaadatay dowladda Soomaaliya ee safiirkii u joogay Kenya u yeeratay.

Magaalada Nairobi waxaa weli ka socda raafka lagu hayo Soomaalida ku dhaqan halkaas, waxaana maalin kasta xabsiyada la geeyaa Soomaali badan oo ay ku jiraan kuwa sharci heesta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com