29 C
Mogadishu
Sunday, April 19, 2026

Itoobiya oo xirtay 138 ruux oo lala xiriiriyay kooxaha Soomaaliya ka…

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Hay’adda sirdoonka Itoobiya ayaa shaacisay in howl-gallo qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada amniga lagu qabtay 138 ruux oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin kooxaha Soomaaliya ka dagaalama ee Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo la sheegay inay qorsheynayeen falal amni darro oo ka dhaca gudaha dalkaas.

Howl-galladan ayaa la sheegay inay dhaceen 17-ka April 2026, oo ku beegan 09-ka April 2018 marka loo eego taariikhda Itoobiya, waxaana lagu beegsaday shabakad isku xiran oo ka shaqeynaysay abaabulka weerarro iyo qalalaase amni.

War ka soo baxay sirdoonka ayaa lagu sheegay in dadka la qabtay ay wateen agab kala duwan oo ay ka mid yihiin SIM-kaaro, taleefoonnno yaryar, bastoolado, miinooyin, qoryaha AK-47 iyo rasaas, kuwaas oo muujinaya heerka abaabulka ee kooxahan.

Mas’uuliyiinta ayaa intaas ku daray in eedeysanayaashan ay damacsanaayeen inay ka faa’iideystaan deegaannada ay ka jiraan xiisadaha, iyo sidoo kale marxaladda doorashooyinka ee dalka Itoobiya, si ay u fuliyaan falal amni darro ah.

Sirdoonka Itoobiya ayaa xusay in howl-galladu ahaayeen kuwo si taxaddar leh loo qorsheeyay, laguna burburiyay isku dayo halis ku ahaa xasilloonida dalkaasi.

Dhanka kale, waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalooyinka waaweyn ee Itoobiya, gaar ahaan caasimadda Addis Ababa, iyadoo la kordhiyay feejignaanta ciidamada si looga hortago khataraha gudaha iyo kuwa dibadda ee suurtagalka ah.

Tallaabooyinkan ayaa imanaya xilli Itoobiya ay u diyaargaroweyso doorashooyin, isla markaana ay jirto cabsi la xiriirta suurtagalnimada in kooxo hubeysan ay ka faa’iideystaan mashquulka siyaasadeed ee dalka.

Itoobiya ayaa horey u sheegtay inay fashilisay isku dayo ay sameeyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo intooda badan lagu sheegay muwaadiniin Itoobiyaan ah, kuwaas oo doonayay inay weerarro iyo qaraxyo ka geystaan gudaha dalka, halka qaar kalena lagu eedeeyay inay damacsanaayeen inay saldhigyo ka sameystaan.

- Advertisement -

Read more

Local News