28.7 C
Mogadishu
Sunday, April 19, 2026

Xog: Xuseen Sheekh oo lagu qanciyay inuu ka haro madaxtinimada K/Galbeed – Muxuu ku bedeshay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu ku guuleystay inuu ku qanciyo Agaasimihii hore ee Madaxtooyada, Xuseen Sheekh Maxamuud inuu ka tanaasulo tartanka madaxtinnimada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Kulamo gaar ah oo ka dhacay Villa Somalia, isla markaana socday saacado ayaa la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xuseen Sheekh ay ku gaareen is-afgarad ku saabsan in Xuseen uu ka haro loollanka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu Xuseen Sheekh u bandhigay dalab siyaasadeed oo culus si uu uga tanaasulo musharaxnimadiisa, taasoo ugu dambeyn horseeday heshiis ay labada dhinac isla meel dhigeen.

Sida xogaha aan helnay tilmaamayaan, Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa lagu qanciyay inuu qabto xil sare oo ka mid ah dowladda federaalka, kaas oo ah Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee dalka.

Kursigan ayaa waxaa hore ugu fadhiyay Jibriil Cabdirashiid, oo haatan ah Hoggaamiyaha Kumeelgaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in haddii isbeddelkan uu hirgalo ay adkaan karto fursadda uu ku guuleysan karo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo haatan si xooggan ugu ololeynaya xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Arrintan ayaa sidoo kale sare u qaadi karta fursadaha Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Saalim Caliyoow iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisalaam Cabdi Cali.

Si kastaba, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la fahamsan yahay inay xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed u diyaarineyso Sheekh Aadan Madoobe, oo haatan ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

- Advertisement -

Read more

Local News