Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u shaacisay inay si toos ah uga qeyb qaadan doonto dagaalka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, taas oo muujineysa isbeddel cusub oo ku yimid doorkeeda amni ee gobolka.
Go’aankan ayaa lagu sheegay mid xoojinaya iskaashiga militari ee u dhexeeya Ankara iyo Muqdisho, xilli ay sii xoogeysanayaan howl-gallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee weli halista ku haya amniga dalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan oo ka hadlayay qorshaha cusub ee dowladdiisa ayaa caddeeyay in Turkigu si buuxda u garab taagan yahay saaxiibadiisa caalamiga ah, isaga oo si gaar ah u xusay Soomaaliya.
“Turkiga wuxuu si toos ah taageero u siinayaa dadaallada ay wadaan Ciidanka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish,” ayuu yiri Wasiir Hakan Fidan, isaga oo tilmaamay in taageeradaasi noqon doonto mid muuqata oo la taaban karo.
Hakan Fidan ayaa sidoo kale sheegay in istaraatiijiyadda Turkiga aysan ku koobnaan doonin Soomaaliya oo keliya, balse ay gaari doonto dalal kale oo Afrika ku yaalla oo la tacaalaya khataraha argagixisada, sida Nigeria oo uu tusaale u soo qaatay.
Wuxuu intaas ku daray in Ankara ay diyaar u tahay inay bixiso taageero dhinacyo kala duwan leh oo ay ku jiraan tababar, qalab militari iyo la-talin istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo awoodda ciidamada maxalliga ah.
Turkiga ayaa muddooyinkii dambe si weyn u kordhiyay joogitaankiisa Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, halkaas oo uu ka hirgeliyay mashaariic horumarineed iyo saldhigyo tababar oo lagu tayeynayo ciidamada qalabka sida.
Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale ka mid ah dalalka sida dhow u taageera Soomaaliya, iyadoo leh khibrad militari, hub casri ah iyo nidaamyo isgaarsiin oo horumarsan, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaadan kara xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

