Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Daawada.
Sharcigan oo ay golaha usoo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa waxaa ogolaaday illaa 141 xildhibaan, hal xildhibaan ayaa ka aamusay, mana jirin wax diiday, sida uu shaaciyay guddoonka Baarlamaanka.
Xildhibaannada qaar ee Golaha Shacabka oo ka hadlayay sharcigan ayaa diiradda saaray arrimaha daroogada, waxayna soo jeediyeen inay dowladdu wax ka qabato, si loo badbaadiyo mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed.
“Qaadku wuxuu nagu hayaa dhibaato badan waxaana nooga baxdo lacag badan waa in sharcigan lagu soo daraa” ayay tiri Xildhibaan Qadro.
Dhankiisa Xildhibaan Jeesow ayaa kulanka dhex yiri “Taliyihii dekedda Muqdisho ayaa isu casilay Tabuu iyo Billi billi awgeed daroogada waxay duurka galisay dhalinta Muqdisho”.
Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi ayaa dhankooda Xildhibaanada Golaha uga mahadceliyay ansixinta Hindise Sharciyeedka Daawada, waxayna sheegeen ansixintiisa ay kusoo aaday xili ay baahi weyn u qabaan shacabka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, Xildhibaannada
Ugu dambeyn mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa loo qeybiyey warbixinta Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Amniga Seybarka Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Sharciga Ciqaabta.Golaha Shacabka ayaa ka dooday Axdiga Xakameynta Tubaakada , waxaana xildhibaanada ay ka doodeen qodobada Axdigan iyo sidoo kale dhibaatada ay Tubaakada ku heyso bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada, sidoo kalena ay muhiim tahay in siyaasad mideysan laga yeesho ka hortageeda.
Muddooyinkii lasoo dhaafay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dardargelinayay howlihii shaqo, wuxuuna todobaadkii hore ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026, taas oo gaareysa $1,386,807,242 (hal bilyan, saddex boqol iyo sideetan iyo lix milyan, sideed boqol iyo toddobo kun, laba boqol, afartan iyo laba dollar).

