26.8 C
Mogadishu
Thursday, January 22, 2026

Muxuu yahay ujeedka shirka Golaha Mustaqbalka ee ka furmay Garoowe? + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland waxaa maanta uu shir uga furmay guddiga farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka kooban Jubbaland, Puntand iyo Madasha Samatabixinta.

Xubnahan ayaa  ka shiraya diyaarinta tubta wada xaajoodka doorashooyinka dalka oo haatan ay isku hayaan Golaha iyo Villa Soomaaliya.

Kulankan ayaa daba socda go’aankii lagu gaaray shirkii aayo katashiga Kismaayo, gaar ahaan qodobaddaa 6-aad iyo 7-aad, kuwaasi oo kala ahaa : –

“ 6. Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweyne Xasan Sheekh in uu muddo bil gudaheed ah oo ku eg 20ka January 2026 isugu yeero saamileyda siyaasadeed ee Dalka si looga heshiiyo doorasho xilligeeda ku dhacda oo waafaqsan mabaadii’da ku xusan qodobka

  1. Shirweynuhu wuxuu isku raacay in haddii Madaxweynuhu iska dhegatiro baaqa kor ku xusan uu Golaha Mustaqbalka gudagalo sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada” Go’aankii kasoo baxay Shirkii Kismaayo.

Sidoo kale, guddiga ayaa inta uu socda shirkooda waxay ku diyaarin doonaan ajendayaasha muhiimka ah ee shirweyne kale oo la filayo in maalmaha soo socda Garoowe ay ku yeeshaan xubnaha sare ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo ay uga arrinsanayaan xiisadda weli ka taagan dalka.

Horay xubnahan oo ugu shiray magaalada Kismaayo ee Jubaland ayaa waxa ay kasoo saareen bayaan culus oo ku aaddan xaaladda guud ee dalka, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin in Madaxweyne Xasan Sheekh kala xaajoodo sidii dalka looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay, kuna qabsoomta waqtigeeda, oo ah dhamaadka muddo xileedkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhankiisa jawaab culus siiyay xubnaha mucaaradka ayaa soo dhaweeyay gogosha ay ku baaqeen Golaha Mustaqbalka, isaga oo xalay arrimahaas kala hadlay Madaxweyne Shariif.

Inta uu socday kulankan oo kadis ahaa Madaxweynaha ayaa muujiyey rabitaankiisa ku aaddan qabashada shir wada-tashi qaran oo ay daneeyayaasha siyaasadda ee mucaaradka hore ugu baaqeen.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad culus oo siyaasadeed, mid kale oo diblumaasiyadeed oo ka dhalatay aqoonsiga ay dhawaan Israa’iil siisay maamulka Somaliland kaas oo ay si weyn uga hortimid Dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News