28.4 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Golaha Ammaanka QM oo yeelanaya shir deg-deg ah kadib walaac soo kordhay

Bookmark
Bookmarked

Share

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta yeelanaya shir degdeg ah oo lagaga arrinsanayo howl-galka ciidan ee Mareykanku ka fuliyey dalka Venezuela.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo baxeen walaacyo caalami ah oo ka dhashay tallaabada Washington, taas oo saamayn weyn ku yeelatay xaaladda amniga iyo tan siyaasadda ee Venezuela.

Dalabka shirkan degdegga ah waxaa gudbiyey dalka Colombia, oo ah xubin aan joogto ahayn oo ka tirsan Golaha Ammaanka, waxaana si cad u taageeray dalalka Shiinaha iyo Ruushka oo ka mid ah xubnaha joogtada ah.

Sida ay sheegayaan ilo diblomaasiyadeed, doodda shirka ayaa lagu falanqeyn doonaa sharcinimada howl-galka Mareykanka, saameynta uu ku yeeshay madax-bannaanida Venezuela, iyo cawaaqibka amni ee uu ku reebi karo gobolka Laatiin Ameerika.

Dhanka Mareykanka, Xeer Ilaaliyaha Guud Pam Bondi ayaa xaqiijisay in madaxweynaha Venezuela, Nicolás Maduro, iyo xaaskiisa Cilia Flores lagu oogay dacwado ka yaalla maxkamadda degmada Koonfureed ee New York.

Eedeymaha loo jeediyey ayaa la xiriira soo dejinta maandooriyaha cocaine-ka iyo lahaanshaha hub culus iyo walxo wax burburiya oo lagu eedeeyay in loo adeegsaday falal ka dhan ah Mareykanka.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in ergada Soomaaliya ay markii ugu horreysay taariikhda ka qayb qaadan doonto hoggaaminta shirarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Si kastaba, tallaabada Mareykanka ayaa dhalisay falcelinno adag oo ka yimid qaaradda Laatiin Ameerika iyo digniino culus oo kasoo baxay Qaramada Midoobay.

Xoghayaha guud ee QM, António Guterres, ayaa ka digay in tallaabadani ay jeexeyso “waddo halis ah”. Dowladaha kale ayaa ku baaqay dhowrista madax-bannaanida, halka hoggaamiyeyaasha Argentina iyo Ecuador ay soo dhaweeyeen ka saarista Maduro.

Venezuela oo leh keydka saliidda cayriin ee ugu badan adduunka, ayaa beri ahaan jirtay mid ka mid ah dalalka ugu barwaaqada badan Laatiin Ameerika, balse dhaqaalaheedu wuxuu sii liicay intii uu xukunka hayay Maduro, taas oo sababtay in qiyaastii shantiiba hal qof oo u dhashay Venezuela uu dalka isaga baxo, waana mid ka mid ah barakaca ugu weyn adduunka.

- Advertisement -

Read more

Local News