BF SOOMAALIYA oo shaaca ka qaaday go’aan maamul goboledyada nasaqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga arimaha gudaha iyo Maamul usameynta Baarlamanka Soomaaliya ayaa sharcidaro ku tilmaamay dhamaan maamulada Gobalada dalka Soomaaliya looga dhawaaqay, xilli Soomaaliya ay hada uxiibsatay nidaamka Federaalka.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ah Guddoomiye ku xigeenka guddiga arimaha gudaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in gedigooda Maamul Gobaleedyada dhawaan lagu dhawaaqay ay yihiin kuwa aan Dastuurka dalka ku saleesneen dhismahooda.

Mr. Jeesoow, wuxuu sheegay in qof waliba oo sameeya wax aan Dastuurka waafaqsaneyn lala xisaabtamayo, maadaama qof waliba oo Dastuurka ku xadgudbaa lala xisaabtamayo.

Maamul Gobaleedyo kala duwan ayaa Soomaaliya looga dhawaaqay kuwaasi oo mid waliba uu sheegayo in Maamulkiisa uu yahay mid sharci ah.

Koonfurta Soomaaliya kaliya waxaa ka dhisan saddex Maamul Mid Dowladda ayaa aqoonsan waa Maamulka Axmed Madoobe, Labo kale Baydhabo ayaa looga dhawaaqay oo kala hogaaminaysa Saddex Gobol iyo Lix Gobol.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com