Baarlamanka Soomaaliya oo ansixiyey codsigii Xamza

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa ka dooday magacaabista xubnaha cusub ee golaha wasiirada Soomaaliya, ayaga oo go’aan cusub soo saaray, kadib kulankooda.

Kulanka ayaa waxaa soo xaadiray illaa 145 mudane oo ka tirsan golaha, waxaana shir guddoomisay Sacdiyo Yaasiin oo ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka.

Ugu horreyn waxaa xildhibaanada Soomaaliya loo aqriyey warqad ka timid xafiiska ra’iisul wasaaraha, taas oo uu ku dalbaday in muddo 10 cisho oo dheeraad ah loogu daro waqtiga uu kusoo magacaabayo golihiisa wasiirada cusub, maadaama muddadii 30 maalmood ahaa uu u haystay ay ka dhammaatay, waxaana qoraalka aqriyey xoghaye Cabdikariin Buux.

Kadib xildhibaanada ayaa cod gacan taag u qaaday codsiga ra’iisul wasaaraha, waxaana ogol u codeysay 144 xildhibaan, halka uu diiday hal mudane, sida ay shaacisay Sacdiya.

Mudadaan uu codsaday wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu sii wadayaa la tashiyadiisa ku aadan dhismaha xukuumad tayo leh, waxayna Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha baarlamaanku la qaateen Xamza qorshihiisa muddo dheereysiga ah.

Inkastoo aysan dastuuri aheyn in 30 cisho lagu soo dhiso xukuumadda, hadana waa sunno siyaasadeed oo Soomaalidu leedahay, waxayna maalmahaas Ra’iisul Wasaaraha u billowdaan markii la ansixiyo, waana dhaqan soo jiray illaa xornimadii Soomaaliya.

Kulanka Golaha Shacabka ayaa sidoo kale imaanaya xilli ay horey kulan wada-jir ah yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kaas oo diiradda lagu saaray dhismaha xukumadda cusub.