25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

BFS oo jawaab kulul ka baxshay haddal kasoo yeeray PUNTLAND

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Baarlamaanka Somalia ayaa jawaab ka bixiyay hadal kasoo yeeray Maamulka Puntland kaasi oo shaki galiyay hirgalinta Heshiiskii DFS, Maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka ku wada gaaren magaalada Muqdisho.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in Heshiiskii Muqdisho ay kuwada gaareen Madaxda Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamul goboleedyada ay faragalin ku hayaan BFS si loo baalmaro qodobadii lagu heshiiyay.

Baarlamaanka oo eedaasi ka jawaabaya ayaa sheegay in eeda Puntland aysan waxba hagaajineynin, balse ay waxbadan sii qaseyso.

Baarlamaanka waxa uu sheegay in mar waliba loo baahan yahay in hadalka kasoo yeeraya Puntland uusan noqon mid mala awaal ah oo ay madaxda maamulka ka baahiyaan saxaafada, waxa uuna BFS sheegay in hadal been ah uu yahay hadalka kasoo yeeray Puntland.

Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud oo ka mid ah Guddiga BFS ee eeda loo jeediyay ayaa sheegay in Heshiiskaasi ay ku jiraan Qaladaad Baarlamaanka Soomaaliyana uu sixi doono si loo helo wax Wanaagsan oo Ummadda Soomaaliyeed dan u ah.

Waxa uu intaa ku daray Xildhibaan C/samad in Maamul Goboleedyada Dalka ka jira la qancin doono oo ay mudan yihiin inay ka hadlaan wixii ay dhib u arkaan, balse loo baahan yahay in hadalka soo yeeraya uu leeyahay sugnaan.

Haddalka Xildhibaanka ayaa imaanaya iyadoo Puntland ay sheegtay in bedel lagu hayo Dastuurka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News