Biixi oo DF ku eedeeyey inay ‘cunaqabateyn’ dhaqaale saartay SOMALILAND

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey munaasabadda xuska 26 June oo ah markii ay gobollada waqooyi qaateen xornimada ayaa weerar afka ku qaaday madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Muuse Biixi ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ah ay Somaliland ku qaaday dagaal dhinac kasta leh, isla-markaana ay saartay ‘cunaqabateen’ dhinaca dhaqaalaha ah, isaga oo hoosta ka xariiqay in afartii sano ee lasoo dhaafay ay ka xayirtay lacag dhan $60 milyan (Lixdan Milyan oo Doollar) oo ah kaalmo uga imaaneysay Bangiga Adduunka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Qaramada Midoobay ku dacweysay  dowladda Imaaraadka Carabka oo la macaamishay Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda maanta Xamar joogta waxa ay Qaramada Midoobay ku dacweysay Imaaraatka Carabta oo mashaariic ka fulinayay Dekedda Berbera, Heshiiskii London 2012 ee dhigayay in kaalmada sanduuqa naloo furay aan u madax bannaanaano ayay xannibtay oo waxa ay naga joojisay afarta sanadii u dambeysay in ka badan $60 ayaa naga xayiran” ayuu yiri.

Dhinaca kale madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa ‘meel ka dhac’ ku tilmaamay in xuska 26-ka June oo ah xornimada gobollada waqooyi in lagu qabto magaalada Muqdisho, iyada oo Somaliland ay dagaal ku heyso dowladda federaalka ah.

“Xamar waxa ay leedahay waxa aan u dabbaaldegeynaa Gobollada Waqooyi xorriyadooda, aniga meel ka dhac ka weyn & Gardarro intaa ka weyn ma garanayo, In Xamar tiraahdo anaga ayaa Xukuno Somaliland balse dhanka kale dagaal gudaha ah mid, mid diblumaasi ah, mid xabad ah iyo mid cunaqabateyn ah saarto” ayuu yiri sii raaciyey Muuse Biixi Cabdi.

Somaliland ayaa inta badan dhaliilo hawada u soo mariso dowladda federaalka ah, balse wuxuu hadalkan kusoo aadaya, iyada oo afartii sano ee lasoo dhaafay aan meelna loo dhaqaajin wada-hadalladii muddada fog soo socday ee u dhexeeyey labada dhinac.