Biixi oo kulan deg deg isugu yeeray Golaha wakiilada cusub iyo tuhun ku xeeran

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland, si ay u yeeshaan fadhigii u horeeyay ee golaha.

Fadhiga uu isugu yeeray madaxweynuhu xildhibaanada cusub ayaa qabsoomaya maalinta Talaadada ee bishaan 3-deeda, waxayna ku mari doonaan dhaarta Dastuuriga ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

Sidoo kale waxay xildhibaanada cusub ku dooran doonaan kulankaas Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, oo maalmihii u dambeeyay dhaliyey xiisad u dhaxeysa xisbiyada mucaaridka iyo madaxweyne Muuse Biixi.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 13/082021 uu maanta ku meel mariyey Isugu Yeedhidda Golaha Wakiillada Cusub,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxaa go’aamiyey in Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub ee dhawaan la doortay uu qabsoomo maalinta Salaasada ee ku beegan 03/08/2021, saacaddu marka ay tahay 09:00 Subaxnimo. Fadhigaasina waxa uu ka qabsoomi doonaa Xarunta Golaha Wakiillada ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.”

Kal-fadhiga deg deg ah ee uu madaxweynaha isugu yeeray maalinta Salaada xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiiladda ayaa waxaa laga muujinaya tuhuno badan oo la xiriira in Muuse Biixi oo qorsheynayo in si dhaqso ah loo doorto guddoonka uu wato.

Xisbiyada mucaaridka ayaa kal hore ku eedeeyey madaxweynaha in lacagtii canshuurta shacabka ku iibsaday qaar kamid ah xildhibaanada mucaaridka, halka kuwa muxaafidka ee ku dhiirada inay usoo goostan isbaheysiga mucaaridka uu ugu hanjabayo xilka uu qaranka u hayo.