Biixi oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah u iclaamisay in doorashada Madaxtooyada ay ka horeyso tan ururada, taasi oo uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay arrintaasi ayaa sheegay in waqtigii sharciga ahaa ee saddexda xisbi qaran ee Somaliland uu dhammaaday, sidaas darteed ay tahay inay dib u galaan tartankii ay xisbiyo ku noqon lahaayeen.

“Waxaynu ku jirnaa saddexdii xisbi qaran oo waqtigoodii dhacay oo aan doorasho geli karin illaa iyaga dib loo doorto, waxa halkan taagan toban urur oo shahaado loo siiyey inay u tartamaan inay xisbiyo qaran noqdaan, waxaynu u baahanahay inaynu deg deg guddida doorashada uga codsanno inay inoo sameeyaan qorshe iyo waqti oo xisbiyadii iyo ururradu doorashada galaan oo ay soo baxaan saddex xisbi qaran,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Waxa uu intaas kusii daray “Ma jiro xisbi odhan kara anigu xisbi baan ahay oo la tartami maayo ururrrada, waa in saddexda xisbi iyo ururradu ay galaan doorashada, si ay u soo baxaan saddex xisbi qaran oo sharci ah.”

Saddexda xisbi ee hadda jira ayaa kusoo baxay doorashadii ururada ee dhacday 28/12/2012, waxaana u dhamaaday 10 kii sanno ee uu sharcigu siinayay in ay kaligood ahaadaan xisbiyada siyaasada ee sharciga ah.

Madaxweyne Muuse Biixi oo kal hore u meel-martay muddo kordhin uu usameeyay Golaha Wakiiladda, ayaa xilligaan u muuqda in uu rabo inuu ka taqaluso labada xisbi mucaarid, oo iyagu xiisadda dagaal ee Laascaanood ku eedeeyay Muuse Biixi.

Tallaabadan ayaa waxay Somaliland dib uga istaadhi doonta khilaafkii doorashooyinka, kaasi oo mar gaaray meel xasaasi ah oo rabshado dhiig ku daatay ay ka dhaceen gudaha Somaliland.