Biixi oo shaaciyey maalinta doorashada Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta si rasmi ah u meel-mariyay waqtiga ay deegaanada Somaliland ka qabsoomeyso doorashooyinka Golayaasha wakiilada iyo deegaanka, oo muddooyinkii dambe uu ka taagan muran hor leh.

Madaxweyne Biixi ayaa xeer madaxweyne ku meel-mariyey arrintaas, wuxuuna go’aamiyey in doorashooyinkaas ay ka dhacaan deegaanada Somaliland 31-ka bisha May ee sanadkan aynu ku jirno ee 2021-ka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Xeer Madaxweyne Lr. 12/022021

Cayimaadda Muddada Doorashooyinka

Markaan Arkay: Qodobka 42aad, Faqraddiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 6aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020;

Markaan Arkay: Qoraalka Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/002/2021, kuna taariikhaysan 16/01/2021, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Doorashada Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee 2021;

Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Guurtida ee summaddiisu tahay Ref: GG/JSL/KC/G-01/02/2021, kuna taariikhaysan 02/02/2021, ujeeddadiisuna tahay Go’aanka Dib-u-eegista Muddo Xileedka Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;

Waxaan Go’aamiyey;

In Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanku ay ka dhacaan Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Isniinta ah ee ku beegan 31ka Bisha May 2021.