Biixi oo wakiilo dibadeedyo badan u cayriyey ‘inay ka gaabiyeen’ ictiraaf raadinta

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta cayriyay inta badan wakiiladii Somaliland u fadhiyay dalalka dibeda, isagoona kuwo cusubna u magacaabay xilalkaasi.

Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu xilalkii ka qaaday wakiilo iyo ku-xigeeno badan, halka uu magacaabeyna ilaa 9-wakiil oo cusub, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Wakiilada uu maanta cayriyay Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa loo aaneynaya kadib markii uu gaabis weyn uu ku yimid ololihii aqoonsi u helida Somaliland, kaasi oo ay dalalka caalamka kaga baadi goobeysay Ictiraaf.

Qadiyada aqoonsi raadiska Somaliland, ayaa waxa la dareemayay in bilihii u dambeeyay uu ku yimid gaabis weyn, taasi oo loo sababeynayo fadhiidnimada wakiilada Somaliland ee dalalka caalamka, taasi oo sababtay xil ka qaadista uu maanta sameeyay Madaxweyne Biixi.

Hoos ka aqriso wareegtada uu xilalka kaga qaaday Madaxweynuhu wakiilada u fadhiyay dalalka dibeda:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-378/112019 iyo JSL/XM/WM/222-379/112019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya  dalalka dibeda.

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegtooyin Madaxweyne

XIL KA QAADIS

Ku: Maxamuud Cabdi Dacar, Wakiilkii hore ee Somaliland ee Midowga Yurub
Ku: Ayaan Maxamuud Maxamed, Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Ingiriiska
Ku: Sulub Warsame Xuseen, Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Norway
Ku: Cabdalla Muuse Axmed, Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya
Ku: Cali Maxamed Axmed, Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Yaman
Og: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir,  Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Mudanayaal iyo Marwo, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad u hayseen Qaranka. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilka Qaran.

MAGACAABID

Markaan Arkay:   Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Tixgeliyey:    Ahmiyadda Wakiillada Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markaan Arkay:     Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay:  In ay Hannan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey:   La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

1. Cabdi Cabdillaahi Xirsi Maxamed – Wakiilka Somaliland ee Boqortooyada Ingiriiska
2. Salaan Xasan Kayd Cabdille – Wakiilka Somaliland ee Midowga Yurub
3. Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle – Wakiilka Somaliland ee Dalka Itoobiya
4. Maxamed Maxamuud Aadan Samatar – Wakiilka Somaliland ee Dalka Norway
5. Axmed Jaamac Xasan Shire – Wakiilka Somaliland ee Dalka Koonfur Afrika
6. Mustafe Yuusuf Ismaaciil Cali – Wakiilka Somaliland ee Dalka Jarmalka
7. Cali Axmed Cismaan – Wakiilka Somaliland ee Dalka Sucuudi Carabiya
8. Axmed Cali Salaad Maxamed – Wakiilka Somaliland ee Dalka Yaman
9. Barkhad Maxamuud Kaariye Samatar – Wakiil Ku-xigeenka Somaliland ee Dalka Itoobiya

Waxaan uga mahad-celinayaa Wakiilladii hore ee Somaliland muddadii ay hayeen xilka Qaranka.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa