Xog: Dagaalkii Cumar Filish iyo wasiir Khadiija oo lagu xaliyey faro-gelinta Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa in dhawaan la qabto ciyaarta Finalka aheyd ee degmooyinka gobalka Banaadir, taas oo 24-kii bishii hore u baaqatay khilaaf soo kala-dhaxgalay guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa xaqiijinaya in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sabtidii todobaadkan Villa Somalia ku qaabilay Cumar Filish islamarkaana ka dalbaday in uu tanaasulo si loo qabto ciyaartii dhawaan baaqatay.

“Cumar Filish waxa uu madaxweynaha u sheegay in ciyaaraha degmooyinka ay yihiin heer gobal wasaaraddana ay shaqo ku leeyahay heer qaran, sidoo kale waxa uu soo bandhigay qaladaad ka dhacay garoonka oo halis ku ahaa amaanka kumanaan qof waxaase laga codsaday in uu qaato dalabka madaxweynaha ee ahaa in uu tanaasul sameeyo waana soo qaatay” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha dowladda hoose ee gobalka Banaadir oo la hadlay Caasimada Online.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in Cumar Filish iyo Wasiir Khadiija ay yeesheen kulan toos ah kadib markii dhinacyada lagula balamay in ay is hor fariistaan oo ay ka heshiiyaan waxyaabaha u dhaxeeyo.

Kulanka ayaa la sheegay in ay dhinacyadu ku heshiiyaan soo celinta wadashaqeyntii u dhaxeysay gobolka iyo Wasaaradda islamarkaana ay dhawaan la qaban doono ciyaartii degmooyinka Dharkeynley iyo Waabari oo ku balansanaa Finalka tartanka degmooyinka.

“Cumar Filish kuma qanacsana heshiiska la gaaray waxa uuna ahaa mid cadaadis lagu saaray waase qaatay waxaana laga filan karaa in uusan heshiiskaan sii jiri doonin” ayuu yiri qofka aan la hadalnay oo ka tirsan masuuliyiinta gobalka Banaadir.

Xiisadda labada mas’uul ayaa ka dartay kadib markii wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ay amar ku bixisay in la damiyo korontada garoonka Injineer Yariisow Stadium habeenkii ay dhaceysay cayaarta finalka degmooyinka. Garoonka ayaa waxaa gacanta ku haya shaqaale wasaaradda ay mushahar siiso.

Khadiija ayaa la sheegay inay ka carrootay in wasaaradda aan kaalin laga siin qabashada tartankan. Guddoomiyeyaashii ka horeeyey Filish ayaa wasaaradda kaalin ka siin jiray cayaarahan, hase yeeshee Filish ayaa taas meesha ka saaray, taasi oo ka carreysiisay Khadiija.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com