Billowga loolanka Farmaajo iyo Kheyre oo dhinac ah, iyo inta kale oo dhinac ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay soo dhammaaday doorashooyinkii guddoonka labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya, taasi oo ka dhiggan billowga rasmiga ah ee ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Loolankii doorashooyinka guddoonka ayaa u dhaxeeyey Nabad iyo Nolol oo dhinac ah, iyo mucaaradka oo dhinac kale ah, waxaana inta badan ku adkaaday mucaaadka oo wada qaatay dhammaan guddoomiyeyaashii iyo ku-xigeenadii labada aqal.

Si la mid ah doorashada guddoonka, doorashada madaxweynaha ayaa noqon doonta mid u dhaxeysa musharaxiinta mucaaradka oo dhinac ah iyo musharaxiinta Nabad iyo Nolol ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre oo dhinac kale ah.

Farmaajo iyo Kheyre ayaa labaduba doorashada ku galaya diiwaanka waxqabadkooda xukuumadda Nabad iyo Nolol, ayada oo madaxweyne Farmaajo lagu xukmin doono shanti sano ee dalka uu madaxweyne ka ahaa, halka Kheyre lagu qiimeyn doono saddexdii sano ee uu ra’iisul wasaaraha ahaa.

Kuma dheeraaneyno inaan qiimeyno diiwaanka Farmaajo iyo Kheyre, iyo inuu wanaagsan yahay iyo inuu liito midna, sababtoo ah waa mid banaanka yaalla, oo qof kasta uu ogyahay, si gaar ahna xildhibaanada codeyn doono.

Farmaajo iyo Kheyre ma ahan kaliya kuwa lagu qiimeyn doono diiwaankooda waxqabad, waxaase la mid ah Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed oo madaxweyneyaal dalka kasoo noqday, iyo musharaxiinta kale ee aan madaxweynaha soo noqon balse soo qabtay xilalka kale sida wasiirada, kuwaas oo iyagana buugooda inta la furo dib loogu laaban doono.

Waxaa suurta-gal ah in dad badan is-weydiiyaan sababta Kheyre loo xijinayo dhanka Nabad iyo Nolol, balse xaqiiqda ayaa ah in ra’iisul wasaarihii hore uu isaga naftiisa billaabay inuu olole ku galo waxqabadkiisii xukuumadda Nabad iyo Nolol.

Kheyre iyo kooxdiisa ololaha doorashada ayaa maalmihii tegay waday inay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar ku baahiyaan muuqaallo dib u eegaya diiwaankiisa muddadii uu dalka ra’iisul wasaaraha ka ahaa, taasi oo caddeyn u ah in ra’iisul wasaarihii hore uu si buuxda ugu qanacsan yahay inay xildhibaanada ku qiimeeyaan sooyaalkaas.

Inkasta oo kooxda Kheyre ay xoogga saartay kaliya inay soo bandhigaan arrimihii wanaagsanaa ee uu qabtay, haddana qofna kama carari karo qeyb ka mid ah diiwaankiisa gaar ahaan inta aanu jecleyn, waayo waa buug furan oo banaanka yaalla, qof kastana uu aqrisan karo, xildhibaanaduna ka dheregsan yihiin.

Kheyre inkasta oo muddadii uu xilka hayey uu qabtay shaqooyin badan oo wanaagsan, haddana waxaa diiwaanka ugu qoran tacaddiyo badan iyo xagudubyo taariikhi ah oo ay xukuumaddiisa gaysatay.

Waxaa laga xusi karaa; weerarkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur, dhiibistii muwaadin Qalbi-dhagax oo loo gacan geliyey cadowga Ethiopia, u diiwaan-gelintii urur argagixiso ee jabahdda gobanimo doonka ONLF, shacabkii lagu xasuuqay Baydhaba markii lasoo qabanayey Mukhtaar Roobow, bahdilkii iyo sumcad dilkii lagu sameeyey madaxweynaal hore oo ayaga oo dalkooda iyo magaaladooda jooga loo diiday inay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde, dagaalkii lagu qaaday Ahlu-Sunna iyo arrimo kale. 

Kheyre weli kama garaabin raali-gelinna kama bixin dhammaan tacaddiyadaas, waaba haddii ay ku filan tahay e, marka laga reebo kiiska Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo isna qiray raali-gelinta balse aan weli si rasmi ah u aqbalin.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaga ayaa leh go’aanka cidda ay u codeynayaan, balse waxaa hubanti ah inay haystaan laba ikhtiyaar oo kala ah; Ma waxaan dib usoo celinaa nidaamka Nabad iyo Nolol ee Farmaajo iyo Kheyre, mise isbeddel ayaan dalka u jiheynaa?