Assad oo baxsad ku dhow, kadib markii laga qabsaday…

Dimishiq (Caasimada Online) –  Gaashaanle Dhexe Hassan Abdul Ghani oo ka tirsan waaxda hawlgallada milatari ee kooxaha mucaaradka ayaa maanta barta Telegram kaga dhawaaqay “Ciidamadu hadda waxay wax ka yar 20 Kiilomitir u jiraan albaabka koonfureed ee caasimadda Dimishiq.”

Abdul Ghani ayaa ku yiri barta Telegram: “Ciidankeena ayaa gudaha u galay magaalada Al-Sanamayn oo dhanka waqooyi ka xigta magaalada Darca, waxaana ay ku dhawaaqeen in ay xoreeyeen. Taas oo macneheedu yahay, waxaan wax ka yar 20 kiilomitir u jirnaa albaabka koonfureed ee caasimadda Dimishiq.”

Waaxda Hawlgallada ayaa sidoo kale ku dhawaaqday iyada oo la raacayo warka ay ku baahiyeen barta Telegram “xoreynta Gobolka Quneitra ee koonfur-galbeed ee Suuriya.”

Bashaar Al-Asad ayaa sidoo kale lagula taliyay inuu ka cararo Suuriya kadib markii xoogaga Suniyiinta ay soo gaareen meel 20KM u jirta Dimishiq, Caasimada dalkaas.

Dhinaca kale Ciidamada Suuriya ayaa sheegay in ay dib ugu noqonayaan koonfurta si ay u sameeyaan xayndaab ammaan ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay lumiyeen gacan ku haynta inta badan gobolka Darca – oo ah halkii ay ka bilowday kacdoonkii ka dhanka ah Madaxweyne Asad.

Mucaaradka hubaysan ee Suuriya ayaa ku dhawaaqay inay gacanta ku hayaan magaalada Darca una sii gudbeen dhanka Xumus

Gobolka deriska la ah ee Sweida, ayaa wararku sheegayaan in guddoomiyaha iyo taliyaha booliiska iyo taliyaha asluubta ay ka baxeen xafiisyadooda iyadoo dagaalyahannada jabhadda ay la wareegeen dhowr baro koontorool.

Hadalka ciidamada dowladda ayaa ku soo beegmay saacado uun ka dib markii jabhadda ku sugan bartamaha Suuriya ay sheegeen inay ku sugan yihiin duleedka Xumus, isla markaana ay ciidammada Madaxweyne Bashaar Al-Asad u qabteen amarkii ugu dambeeyay ee ay ku goosan lahaayeen. (Falaagada islaamiga ahi waxay qabsadeen Xalab iyo Xama tan iyo markii ay bilaabeen duullaankooda xooggan wax ka yar laba toddobaad ka hor.)