Sanca (Caasimada Online) โ Bixinta baasaboorka Soomaaliya ayaa horumar laga sameeyay iyadoo safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen ay 8 sano kadib dib u billowday bixinta baasaboorka dalka.
Tan iyo muddadaas waxa ay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas ay dalbanayeen in loo fududeeyo sidii ay ku heli lahaayeen maadaama ay u baahan yihiin.
Safiirka Soomaaliya ee Yemen Cabdixakiin Maxamed Axmed oo ka hadlay Musaabadda dib u furista qaadashada Baasaboorka Dalka ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool ay dalban karaan, iyadoo dib u casriyeyn lagu sameeyay qaadashadiisa.
Sidoo kale wuxuu sheegay in la bilaabay wajigii koowaad ee muwaadiniinta Soomaalida lagu siinayo baasaboorka dalka,kadib markii muddo sideed sano ah ay sugaayeen in ay helaan adeegaan.
Safiirka ayaa xusay in muwaadiniin gaaraya 71 ruuux ay qaateen baasaboorka Soomaaliga ah, isla markaana ay jiraan tiro badan oo weli ku sugan Dalka Yemen oo sugaaya adeegaan, kadib markii uu Danjire C/Xakiim Maxamed uu tilmaamay in la sameeyay baaritaanno lgu xaqiijinaayo a in ay yihiin dad Soomaali ah.
โKu dhowaad 8 sano sano kaddib ayaa dib u billownay bixinta Baasaboorka oo ah xuquuqda muwaadinka xaqqa u leeyahay, Hadda kaddib si caadi ah ayay u qaadan doonnaan qofkii la caddeeyo muwaadinnimadiisa,โ ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Yemen, Cabdixakiin Maxamed Axmed.
Bixinta adeegga baasaboorka Soomaaliga ah ayaa la filayaa in muwaadiniinta uu u fududeeyo sidii ay dalka Yemen uga soo bixi lahaayeen,isla markaana ay dib ugu soo noqon lahaayeem gudaha dalka.
Si kastaba, Baasaboorka Soomaaliya ayaa si tartiib tartiib ah usoo ceshanaya maqaamkiisii caalamiga ahaa, taasoo astaan u ah dadaallada diblomaasiyadeed ee dalka ee sii kordhaya iyo adkaysiga uu muujiyay kadib tobannaan sano oo uu goโdoon kaga jiray dunida inteeda kale sababo la xiriira ammaan-darro iyo masiibooyin dabiici ah.
Tan iyo markii uu qarxay dagaalkii sokeeye sannadkii 1991-kii, Baasaboorka Soomaaliga waxa uu soo maray isbeddello is-daba-joog ah, oo ay ku jirto soo bandhigidda nooc casri ah oo leh muddo ogolaansho oo gaaraysa shan sano.
Isbeddelladan ayaa ka tarjumaya dadaallada ballaaran ee dalka loogu jiro dib-u-dhiska hayโadaha dowliga ah iyo xoojinta maqaamkiisa caalamiga ah.
Sannadkii 2016-kii, Baasaboorka Soomaaliya waxa uu ku jiray kaalinta 101-aad ee qiimeynta Tilmaamaha Baasaboorrada ee Henley (Henley Passport Index), oo ah shirkad la-talin iyo cilmi-baaris oo caan ku ah qiimeynta awoodda socdaalka caalamiga ah.
Hadda, waxa uu kor u kacay siddeed darajo isagoo soo gaaray kaalinta 95-aad, sida lagu sheegay qiimeyntii ugu dambeysay ee lasoo saaray bishii Luulyo 2025. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa hadda u safri kara in ka badan 30 dal iyaga oo aan u baahnayn fiiso hore loo sii dalbaday.
Qiimeyntan, oo ku saleysan xog laga helay Hay’adda Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA) iyo cilmi-baaris socotay labaatan sano, ayaa lagu qiimeeyaa 199 baasaboor iyadoo la eegayo 227 dal oo loo safri karo, waxaana lagu kala saaraa iyadoo lagu saleynayo tirada waddamada ay dadka wata baasaboorkaas ku booqan karaan fiiso la’aan.