Biyaha Wabiga Shabelle ee magaalada BELEDWEYNE mara ‘oo sun’ lagu arkay

Beledweyne (Caasimada Online) – Maamulka degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay isbedal ku yimid midabka biyaha wabiga Shabelle ee mara magaaladaasi, kaas oo ka yimada dhinaca waddanka Itoobiya.

Guddoomiyaha maamulka degmada Beledweyne Mudane Cismaan Dhicisoow Dhuubow oo Wariyeyaasha kula hadlay qarka wabiga ayaa shaaca ka qaaday in biyaha wabiga Shabelle ay noqdeen kuwa madoobaad ah, islamarkaana qurmaya.

Dhuubow ayaa sidoo kale xusay in biyaha uu keenay wabiga ay yihiin kuwa sumeysan, wuxuuna tilmaamay in haatan ay wadaan baaris ku aadan falkaasi.

Sidoo kale maamulayaasha ceelasha biyaha ayuu faray inay tubooyinka kala baxaan wabiga, si looga fogaado waxyeelo ka dhalata biyahaasi sumeysan.

Waxaa kale oo uu farriin u diray dadka shacabka ah oo uu ugu baaqay in aysan isticmaalin biyaha wabiga, inta laga hubinayo ama ay iska bedelayaan biyaha madow oo uu keenay.

“Waligey manan arkin wabiga oo biyo wada biyo noocaan oo kale ah, wan arki jiray isagoo wada biyo calaw ah, isagoo eber ah iyo isagoo buuxa oo biyo baxa ah, balse wali manan arkin biyo noocaan oo kale ah oo madow ah hadana uraya, urtooda ayaan hada ag taagnaan la’ahay, waana biyo sumeysan dowladda Itobiya ayaa horay ugu sheegtay dadkeeda marka inta ay ka gudbayaan yaanan la isticmaalin waa digniin, waana ognahay in dadka Baledweyne 89% isticmalaan biyaha wabiga” ayuu yiri guddoomiye Cismaan.

Dadka reer Hiiraan iyo guud ahaan HirShabelle oo u badan beeraley iyo xoolo dhaqato ayaa ku tiirsan biyaha wabiga Shabelle ee mara gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.