Washington (Caasimada Online) – Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in duqeymihii cirka ee Mareykanku la beegsaday goobaha Nukliyeerka Iiraan aysan burburin barnaamijka Nukliyeerka ee dalkaas, isagoo intaa ku daray in Tehran ay awood u leedahay inay si degdeg ah u dayactirto khasaarihii ka dhashay weerarada Mareykanka.
“Weerarkii uu Mareykanku ku qaaday saddex ka mid ah xarumaha Nukliyeerka Iiraan ma ahayn mid xikmad ku dheehan tahay oo loo baahnaa. Hadda, mar haddii la fuliyey, waxaan aad u rajeynayaa inuu guuleystay,” ayuu ku qoray maqaal uu gacan ka geystay oo lagu daabacay wargeyska New York Times.
Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ee noocoodu yahay B-2 ayaa Sabtidii ku riday bambaanooyin nooca dhulka dhex-gala ah oo miisaankoodu yahay 30,000 oo bound saddex xarun oo nukliyeer ah, weerarkaas oo uu Trump ku tilmaamay “guul milatari oo cajiib ah.”
“Inkastoo aysan shaki ku jirin in weerarka Mareykanku uu hoos u dhigay hamiga Nukliyeerka ee Iiraan, haddana waxay awood u leedahay inay si degdeg ah dib ugu dhisto xarumo ku yaalla goobo iyo qoto dheer oo aan la gaari karin, iyadoo isla markaasna sii wadaysa horumarinta hubka,” ayuu yiri Blinken.
Isagoo soo xiganaya khubaro, Blinken wuxuu sheegay inay jiraan shaki laga qabo awoodda bambaanooyinka Mareykanka ee dhulka dhex-gala ay ku burburin karaan bartilmaameedyada Iiraan.
“Khubaro aan la hadlay waxay shaki weyn ka qabaan awoodda bambaanooyinka gaarka ah ee Mareykanka ee miisaankoodu yahay 30,000-bound (13.6-tan) inay baabi’in karaan xarunta Fordow iyo bartilmaameedyada kale ee qotada dheer, ee sida adag loo dhisay ee ku jira barnaamijka Nukliyeerka Iiraan,” ayuu yiri, isagoo xusay in warbixinnada horudhaca ah ay muujinayaan in kasta oo kaabayaashii Nukliyeerka Iiraan “uu soo gaaray burbur xooggan,” haddana “aan la baabi’in.”
Sidoo kale, Senatarka Dimoqraadiga ah ee Chris Murphy ayaa u sheegay taleefishinka CNN in milatariga Mareykanku uusan gaarsiin “dharbaaxo burburin ah” barnaamijka Nukliyeerka Iiraan, taasoo ka soo horjeedda hadallada Trump.
Si kastaba ha ahaatee, Blinken wuxuu qiray inuu rajeynayay in weerarka Trump uu guuleysto.
“Waxaan jeclaan lahaa inuu ka faa’iideysto fursaddii diblomaasiyadeed ee aan u reebnay,” ayuu Blinken qoray. “Hadda oo tallaabada milatari la qaaday, waxaan rajeyn karaa oo keliya inaan gaarsiinnay khasaarihii ugu badnaa—khasaare siinaya madaxweynaha awoodda uu ugu baahan yahay inuu ugu dambeyntii gaaro heshiiskii uu ilaa hadda ku guuldarreystay.”
Blinken kuma ekaan oo kaliya inuu dhaliilo weerarada Trump ee Iiraan, laakiin wuxuu sidoo kale dhaleeceeyay istaraatiijiyadda guud ee madaxweynaha ee ku aaddan la tacaalidda dalkaas, taasoo ka billaabatay markii uu sannadkii 2018-kii iska tuuray heshiiskii Nukliyeerka Iiraan ee madaxweynihii hore Barack Obama, kuna dhammaatay weeraradii Sabtidii.
“Sannadkii 2018, Madaxweyne Trump wuxuu jeex-jeexay heshiiskaas, wuxuuna ku beddelay… waxba. Taas beddelkeeda, Iiraan waxay dardargelisay bacriminta [Yuraaniyamka], taasoo ay u badan tahay inay waqtiga ay hub ku samayn karto ku soo gaabisay maalmo ama toddobaadyo. Mr. Trump, asal ahaan, wuxuu hadda isku dayayaa inuu damiyo dab uu isagu shidaal ku sii shubay,” ayuu yiri Blinken.
Blinken wuxuu kaloo ku dooday in Trump uu ku degdegay tallaabada milatari, iyadoo weli ay jirtay fursad diblomaasiyadeed oo lala yeelan karay xukuumadda Iiraan.
“Xilligan la joogo—inkastoo ay jiraan farriimo iska soo horjeeda oo ka imaanaya maamulka Trump—hay’adaheenna sirdoonku waxay aaminsan yihiin in Iiraan aysan weli gaarin go’aan ah inay hub samaysato. Haddii iyo markii ay go’aansato, waxay Tehran ku qaadan doontaa 18 ilaa 24 bilood inay soo saarto qalab qarxa, sida ay sheegayaan qiyaasaha qaar,” ayuu yiri.
“Si kale haddii loo dhigo, weli waxaa jiray waqti ay diblomaasiyaddu ku shaqeyn kartay, xaaladduna ma ahayn mid degdeg ah sida uu Mr. Trump u sawiray.”