Booliska oo soo qabtay rag dhibaato weyn ku hayay shacabka Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay laba nin oo dhibaato weyn ku hayay shacabka Muqdisho.

Labada nin oo dhac u geysanayey shacabka ku nool xaafado kamid ah degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa booliska gacanta ku soo dhigay iyaga oo watay Tooreeyo iyo Mooto Bajaaj.

Booliska ayaa sheegay in dadkii ay taleefoonada ka dhaceen ay deg deg u war-geliyeen booliska, taasi oo fududeysay in raggaan lagu soo qabto howl-gal ay fuliyeen ciidamada ka howl-gala saldhigga booliska ee degmada Waaberi.

Shalay ayey aheyd markii booliska uu gacanta kusoo dhigay koox burcad hubeysan oo dhac ka geystay degmada Heliwaa, kuwaasi oo shalay taleefano badan ku dhacay gudaha degmadaasi.

Soo qabashada raggan burcadda ah ayaa timid, kadib xiriir toos ah oo ay shacabka la sameeyeen booliska, iyaga oo deg-deg u wacay nambarka gaaban ee xiriirka dadweynaha.

Arrintan ayaa waxaa soo dhaweeyay dadka deegaanka oo ku farxay tallaabada uu qaaday booliska oo jawaab deg-deg ah ka bixiyay dhibaatada ay burcadda ka gaysteen degmooyinka gobolka Banaadir.

Magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa weli dhibaato ku haya kooxo burcad ah iyo ciyaal weero weli ka jira qaar kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay qaati ka taagan yihiin dadka shacabka ah.