Boolis Tababar loogu qaaday Jabuuti

Ciidamo ka tirsan booliska dalka Soomaaliya ayaa maanta tababar loogu qaaday magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ,sida ay ku dhawaaqeen masuuliyiin ka tirsan Booliska Soomaaliyeed.

Ciidamadaan maanta laga dhoofiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa gaaraya ku dhawaad 200 oo askari kuwaasi oo tababar dhinacyo badan ah kusoo qaadan doona dalka Jabuuti.

Shariif Sheikhunaa Maya taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo warbaahinta kula hadlay Aadan Adde Airport ayaa sheegay in dhamaan ciidamadaasi ay soo baran doonaan tababar ay ka mid yihiin sugida amaan  iyo la dagaalanka argagixisada.

Sidoo kale Maya,ayaa sheegay in ciidamadaasi tababar ay soo siin doonaan macalimiin u dhashay dalka Talyaaniga kuwaasi oo gaaraya 30 sarkaal sida uu sheegay.

Dalal badan oo taageera wadanka Soomaliya ayaa marar badan waxaa loo qaaday ciidamada booliska Soomaaliyeed si ay tababar usoo helaan,kuwaasi oo dalka dib ugu soo laabta marka tababarkooda usoo dhamaado.