26.7 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Booliska Muqdisho oo gacanta kusoo dhigay askari tacadi fool xun kula kacay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga booliska Xamarweyne ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Dable Ciidnka Xoogga Dalka, Cabdifataax Maxamed Ibraahim.

Askarigan ayaa ku eedaysan inuu si sharciga baalmarsan ula dhaqmay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku ganacsanayay Suuqa Xamarweyne.

Eedeysanuhu wuxuu hadda ku jiraa gacanta booliska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh si sharciga loogu waafajiyo, sida uu shaaciyay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Booliska ayaa ku wargeliyay dhammaan hay’adaha amniga inay gutaan waajibaadkooda sharciga ah, ayna ilaaliyaan xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed, Ee ay u dhaarteen ilaalinta naftooda iyo maalkooda.

Cabdifataax ayaa saacadihii lasoo dhaafay kasoo muuqday baraha bulshada, isagoo si fool xun ula dhaqmayay Maamo Soomaaliyeed oo ku ganacsanaysay suuqa Xamarweyne.

Muuqaallo ku faafay baraha bulshada ayaa muujinaya Cabdifataax oo qori ku bursanaya hooyada Soomaaliyeed, isla markaana dadkii goobta ku sugneyd ay ka cel-celinayaan inuu xabad ku furo.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa si carro leh uga fal-celisay in askarigii Soomaaliyeed ee aheyd inuu ilaaliyo muwaadinka uu asagii suuqa ku dhex bahdilayo hooyo Soomaaliyeed, oo wadada dhinaceeda ku ganacsanaysa, taas oo ugu dambeyntiina keentay in laamaha amniga ay ka howl-galaan, oo gacanta ay kusoo dhigaan.

- Advertisement -

Read more

Local News