26 C
Mogadishu
Sunday, December 7, 2025

Somalia oo malaayiin dollar lumisa sanad walba – Sidee?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa sanad walba lumisa in ka badan 200 milyan oo dollar, sababo la xiriira wareega dheer ee dollarka uu soo maro ka hor inta uu soo gaadhin dalka.

Lacagaha ka yimaada deeq-bixiyeyaasha ayaa inta badan soo mara bangiyada la aqoonsan yahay ee Nairobi, Jabuuti, Turkiga ama xarumo kale, sida uu sheegay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in tani kordhiso kharashka, dib u dhaca iyo shakiga, isagoo tilmaamay in khasaarahan uusan ka iman musuq ama dambi, balse uu ku dhasho nidaamka maaliyadeed ee adag ee hadda jira.

Sanadkan kasta waxaa la sheega in Soomaaliya ay hesho ku dhawaad $4.2 bilyan, oo ay ku jiraan $1 bilyan oo gargaar ah iyo $3.2 bilyan oo lacag diris ah.

In ka badan $210 ayaa qiyaastii ku lunta khidmadaha dhex-dhexaadiyeyaasha sanad walba. Lacagahan ayaa loo adeegsan karay kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta ama adkeysiga cimilada.

Soomaaliya ayaa leh ku dhawaad 14 bangi oo maxalli ah, hal bangi shisheeye, lix shirkado mobile money ah iyo 15 xawaaladood, illaa haddana ma jirto bangi Soomaaliyeed oo maanta si toos ah u diri kara ama u heli kara dollar.

Tan ayaa qasbeysa in dhamaan lacagaha la soo mariyo bangiyo shisheeye, taas oo kordhisa khatarta, qiimaha iyo dhibsiga.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in caqabadaha caalamiga ah ay ku saleysan yihiin aragtiyo hore oo aan la waafajin xaqiiqada maanta

Waxa uu sheegay in Soomaaliya hadda ka baxday cuna-qabateyntii hubka, ayna gaartay horumar muuqda oo dhanka maaliyadda, xilli laga cafiyay dayntii, isla markaana ay ku biirtay iskaashiyada gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News