Booliska Norway oo qabtay 167 kiilo oo qaad Somalia ka yimid. ah iyo raggii waday

Oslo (Caasimada Onlie) – Ciidamada ilaalada xuduuda Norway ayaa gacanta ku dhigay rag Soomaaliyeed oo tahriibinayay ama waday Qaat miisaankiisa lagu sheegay 94 kg.

Qaadkaan oo saarnaa gaari ka diiwaan gashan dalka Swedan ayaa wuxuu ku jiray boorsooyin iyo baco gaariga \ danbe ka saarnaa, waxaana xabsiga loo gudbiyay darawalka gaarigaan oo ciidamadu qabteen.

Waxaa kaloo ciidamada booliska Norway ay garoonka diyaaraddaha Oslo ku qabteen labo nin Soomaaliyeed oo boorsooyin ku waday 73 kg Qaad ay kasoo qaadeen dalka Somalia.

Labadaan nin ayaa la wareegay ciidamada booliska saldhiga Gardermoen ee garoonka diyaaradaha Oslo, halkaasi oo lagu xiray.

Labadaan dhacdo ayaa waxay dhaceen 6 bishii Janaayo wixii ka danbeeyay, sida lagu soo daabacay wargeyska Demo Kraten.