Xog: Maxaa kala socotaa tirada shaqaalaha DF ee la saadaalinaao in laga jaro mushaarka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Somalia ayaa wada qorsho ay ku jareyso Mushaaraadka ay qaatan Shaqaale u diiwaan gashan dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Shaqaalaha laga jari doono Mushaarka ayay xukuumada Somalia ku eedeysay inaanu xaadirin shaqooyinka, hase yeeshee ay u taagan yihiin keliya qaadashada mushaarka.

Baaritaan hordhac ah oo ay sameeyen Xubno wakiil u ah Xukuumada Somalia ayaa sheegay in Shaqaalaha la calaameeyay ee laga jari doono Mushaaraadka aysan qaarkood joogin dalka.

Gudigaan sida hoose u wada baaritaanka ayaa sheegay inay jiraan shaqaale badan oo qaarkood aan lagu heyn nolol iyo geeri kuwaa oo si toosa loo qaato mushaarkooda.

Baaritaanka la sameeyay ayaa waxaa sidoo kale lagu ogaaday in shaqsiyaad xilal ka haya dowlada ay qaab sharci daro ah u qaatan mushaarka shaqaale ka tirsanaa dowlada oo ku dhintay musiibooyinka ka dhacay dalka.

Sidoo kale, shaqaalaha u diiwaangeshan Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa tirro ahaan ka badan 5,000 oo shaqaale ah,waxaana uu xusay in hadda dowladda ay mushaarka ka joojineyso shaqaale diiwaangeshan oo aan shaqeyn.

Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa amar lagu siiyay inay kala sifeyso dhammaan shaqaalaha rayidka ah si loo helo xaqiiqda dhabta ah.

Docda kale, shaqaalaha la qorsheynaayo in laga jaro mushaaraadka ayaa u dhexeyn doona 1,000 ilaa 1,500 oo lagu sifeeyay inay yihiin mashaqeystayaal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com