Axmed Madobe oo wada qorshe cusub oo saameyn ku yeelan doona xubo…

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Madaxtooyada maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maamulka Axmed Madoobe uu wado qorsho uu isku shaandheyn ugu sameynaayo Golahiisa wasiirada.

Xogta aan heleyno ayaa tibaaxeysa in Hogaamiyaha maamulka uu xil ka qaadis ku sameyn doono Wasiirada qaar, halka qaarna ay kamid noqon doonaan Wasiirada cusub ee la magacaabi doono.

Wasiirada cusub ee ku imaan doona isku shaandheynta ayaa waxaa kamid noqon doona dhalinyaro qurba joog ah oo qaarkood iminkaba ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Isku shaandheynta ayaa la tilmaamayaa in Axmed Madoobe uu qorsheynayay maalmihii u dambeeyay iyadoo qaar kamid ah golaha wasiirada laga yaabo in ay gabi ahaanba xilalkooda waayan.

Sidoo kale wasiiro ku dhaw dhaw siyaasad ahaan Axmed Madoobe ayaa laga yaaba in ay xilkooda waayaan, sababo la xiriira khilaafyo aan muuqan oo kala dhexeeya Wasiirada qaar oo iyagu lagu eedeeyay inay baalmareen talooyinka Madoobe.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Wasiirada xilkooda weyn doona uu kamid yahay Wasiirka Amniga ee Jubbaland C/rashiid Janan oo dhawaan tagay Magaalada Belad-Xaawo ee gobalka Gedo.

Wasiir Janan, ayaa khilaaf hoosaad kala dhexeeya Hogaamiye Axmed Madoobe waxaana la saadaalinayaa inuu weyn doono xilkiisa, waa haddii aanu dhicin isbedel.

Dhinaca kale, waxaan la ogeyn xiliga rasmiga ah ee uu Axmed Madoobe ku dhaqaaqi doono isku shaandheynta wallow ay xogtu sheegeyso inay soo degdegi doonto isku shaandheynta.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com