Madaxweyne Farmaajo oo xariga ka jaray adeeg casri ah oo shacabka Puntland ka faa’iidayaan: Sawirro

Boosaaso (Caasimada Online)- Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta xariga ka jaray adeeg casri ah oo shacabka Puntland ay ka faa’iidayaan, kaasoo ay ku helayaan internet xawaarahiisa aad u sareeya.

Addeegaan ayaa waxaa hirgelisay shirkadda Golis, waxayna qadkaan Internet-ka uu yahay kan dhulka lasoo marsiiyo ee loo yaqaan Fiber Optic, kaasoo xaruntiisa weyn ay tahay magaalada Boosaaso xafiiska Golis.

“Farxad weyn ayey ii tahay in aan idin kala soo qeyb galo maalgashigan aad ku sameyseen dalkeenna. Waxaa xaqiiqo ah in adeegyadan iyo horumarkan ay ka tarjumayaan dadaalka iyo hor u socdka ganacsatada Soomaaliyeed” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Mudane Farmaajo ayaa ku bogaadiyay ganacsatada Soomaaliyeed ee shirkaddaha ku leh Boosaaso iyo guud ahaann dalka kaalinta ay ka qaadanayaan horumarka dalka.