Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdiftaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay dagaal maanta ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in maleeshiyaad hubeysan oo u abaabulan hab beeleed ay soo weerareen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo waardiye ka hayay guri ay Maxkamad usoo xukuntay muwaadin Soomaaliyeed, kadibna ay halkaasi ku dileen hal askari, kuwa kalena ay dhaawaceen.
Afhayeenka ayaa xusay in gurigan oo dacwaddiisa ay soo socotay muddo dheer ugu dambeyn loo xukumay Aabe Soomaaliyeed oo xoog looga haystay, welina la rabo in dhulkiisa lasii haysto, balse Booliska uu farogaliyay arrintaasi, kadibna sidaas lagu soo weeraray.
“Gurigan waxaa loo xukumay aabahaas da’da ah, waa loo fuliyay bil kahor oo ciidanka Booliska ay ku wareejiyeen waxay bilaabeen inay xoog ku dhistaan, haddane mar labaad ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa tegay guriga, waana laga saaray, isla iyaga ciidankii oo joogo oo waardiye hayo ayay mar kale maleeshiyaadka soo weerareen, halkaasna waxay ku dileen halyey kamid ah booliska” ayuu yiri afhayeenka Ciidanka Booliska Somalia.
Sidoo kale wuxuu yiri “Waxa na dhibaateynaayo oo gaariga qaraxa iyo miinooyinka isku xiraayo waa ilmaha lagu dhalay guryaha xoogga lagu haysto”.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in gacanta lagu dhigay qaar kamid ah hubka ay wateen raggii weerarka soo qaaday, kadib markii ay ka carareen goobta lagu dagaalamay.
“Qoryaha aad u jeedaan waa kuwii saaka lagu soo weeraray guriga e ay soo qabteen ciidanka waa ay ka carareen waana fulayiin, sababtoo ma dhiiran karaan, waxayna ku dhiiran karin hantida malaha” ayuu mar kale yiri Cabdifitaax Aadan Xasan.
Afhayeenka oo sii hadlaya ayaa diray farriin culus, wuxuuna tilmaamay in aan loo dul qaadan doonin cid kasta oo ku xad-gudubta go’aannada kasoo baxa maxkamadaha dalka.
“Waxaan leeyahay ummadda Soomaaliyeed waxaan iyo wax lamid ah kama sii shaqeyn doonaan gudaha magaalada Muqdisho, cid walba oo guri aysan lahayn ku murmeysa sharciga wax ku raadi, kadiba waxaad sharcig ka hesho ku qanac” ayuu sii raaciyay.
Xaaladda goobta lagu dagaalamay ayaa hadda degan, waxaana weli guriga kusii sugan ciidamada ammaanka, maadaama ay weli taagan tahay shaqaaqada uu dhiigga ku daatay.
Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho waxaa ku badan muranada dhulka iyo dacwadahooda, iyada oo ay ka dhashaan iska horimaadyo sababa dhimasho iyo dhaawac.