Sawirro: Booliska Muqdisho oo gacanta ku dhigay ku dhowaad 100 qof iyo hub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howlgallo ka sameeyey xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu xaqiijinayey amniga, si looga hortago falalka amni darrada ah.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa si gaar ah looga fuliyey xaafado ka tirsan degmada Kaaraan oo ka mid ah meelaha u daran, marka laga hadlayo amniga Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo u warramay warbaahinta, kadib marka uu soo dhammaaday howlgalka ayaa ka warbixiyey sida ay wax u dhaceen, waxaana ujeedka uu ku sheegay sidii looga hortagi lahaa kooxaha dhibta ku heysa dadka.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidamadu gacanta kusoo dhigeen illaa 74 ka mid ah kooxaha ciyaal weerada, kuwaas oo dhibaato ku hayey reer Kaaraan.

Sidoo kale afhayeenka ayaa xusay in 50 mindiyo ah oo ay ku jiraan kuwa casri ah oo aan horey dalka loogu arag ay ku soo qabteen howlgalka, kuwaas oo lagu dhici jiray shacabka.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in guri uu daganaa nin uu sheegay inuu ka caban jiray amni darrada ay kasoo qabteen tuutaha ciidanka, kaas oo uu tilmaamay in lagu geysan jiray falal amni darro, maadaama uusan askari daganeyn hoyga laga soo qabtay dharkaasi.

Ugu dambeyn afhayeenka ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan caasimada in ay wada shaqeyn dhow la yeeshaan laamaha ammaanka ee howlgallada ka wada gobolka Banaadir.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda oo dagaal kula jira burcadda hubeysan iyo ciyaal weerada ayaa howlgal loogu magac daray Samakaab ka waday magaalada Muqdisho.