25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Booliska oo qaaday tallaabo si weyn loo bogaadiyay kadib markii uu soo qabtay ninkii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo tallaabo aad loo bogaadiyay qaaday ayaa xalay soo xiray nin ku eedeysan inuu si xun u jirdilay xaaskiisa oo dhowaan uun qurbaha uga timid, wuxuuna kula kacay tacaddi si weyn looga dhiidhiyay.

Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo baahiyay sawirka eedeysanaha oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullahi Cali ayaa sheegay in lasoo xiray, isla markaana la horgeyn doono cadaalada.

Booliska ayaa ninkan ku eedeeyay inuu gaystay fal xadgudub ah oo uu kula kacay xaaskiisa, kadib markii uu garaacay si xun, waxaana soo gaaray dhaawac aad u daran

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan, Saldhigga Boliiska Dagmada Deyniile ayaa soo xiray eedeysane Maxamed Cabdullahi Cali oo si xun ujirdilay xaaskiisa, Khadro Cabdullahi Maxamud. Waxaa la horgeydoonaa Maxkammada awooda u leh” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Booliska.

Sawiradda gabadha oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo in si xun uu ugu tacadiyay eedeysanaha, wuxuuna waxyeelo ka gaarsiiyay wejiga iyo qaybaha kale ee jirka.

Falcelin xooggan ayaa sidoo kale ka dhalatay falkan iyo talaabada deg-degga ah ee ay qaadeen ciidamada Booliska Soomaaliyeed, maadaama ay soo xireen eedeysanaha.

Dad badan oo ka hadlay arrintan ayaa soo dhoweeyay tallaabada Booliska, waxayna ugu baaqeen in ninkan la horgeeyay Maxkamad, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

Bashiir Cabdi Cumar: “Ninkan sharciga waxa uu ka helo hala marsiiyo Booliska gobolka Banaadir waa ku mahadsanyihin soO qabashada eedeysanaha”.

Shariifo Deggan: “Shaqo wacan walasheen cadaalad ha hesho kan waa dad cun wayn”

Xasan Cili: “Jirdil maahan ee waa jarjarid googooyn daldaloolin dumin qof nool oo la qalqashay”.

Maxamed Saciid Ibraahim: “Dumarka ma mudna in lagu xadgudbo waxay mudanyihin in la dhowro”.

Xasan Ismaaciin Haadi: “Shaqo wacan Booliiska Soomaaliyee , cidna yaanan looga tagin tacaddi uu dumar, carruur, waayeel iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba u geystay”.

 

- Advertisement -

Read more

Local News