Booliska oo qabtay madaxweynihii hore ee France Nicolas Sarkozy & Faahfaahin laga bixiyey

Paris (Caasimada Online) — Madaxweynihii hore ee dalka France Nicolas Sarkozy ayaa loo kexeeyey Saldhig Boolis si loo weydiiyo su’aalo ku saabsan eedeymo loo soo jeediyey oo ku aadan inuu lacag ka qaatay hogaamiyihii geeriyooday ee dalka Libya Col Muammar Gaddafi si uu ugu galo olole doorasho.

Booliiska Faransiiska ayaa baaraya Nicolas Sarkozy kaasoo loo heysto inuu qaab sharci darro ah lacag uga qaatay Muammar Gaddafi si uu ugu adeegsado ololihiisii doorasho sannadkii 2007dii.

Mr Sarkozy wuu beeniyey inuu wax qalad ah sameeyey. Iyadoo isaga iyo Xisbigiisuba ay awoodi waayeen inay awoodda dalka France kusoo laabtaan sannadkii 2012kii.

Nicolas Sarkozy ayaa waxaa la sheegay in su’aalo lagu weydiiyey Saldhigga ku yaalla degaanka Nanterre, oo ku yaalla Waqooyiga caasimadda Paris.

Baaritaanka la xiriira inuu Nicolas Sarkozy lacag ka qaatay Gaddafi si uu ugu adeegsado ololihiisii doorasho ayaa bilowday sannadkii 2013kii. Wararka ayaana intaas ku daraya in Brice Hortefeux oo saaxiib dhow la ah Sarkozy kana tirsanaa Wasiirradiisii sidoo kale su’aalo la weydiiyey maanta oo Talaado ah.

Ziad Takieddine oo ah ganacsade asal Lebanese ah balse heysta dhalashada France ayaa horay u caddeeyey inuu Sarkozy lacag ka qaatay Gaddafi si uu ololihiisii doorasho qaab sharci darro ah ugu adeegsado.

Caasimada Online

Xafiiska Paris

Caasimada@live.com