Booliska oo soo bandhigay rag iska dhigay ciidan kadibna baabuur ku dhacay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ka sameeyey degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu soo qabtay rag burcad ah oo dhawaan dhac ka geystay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Kooxda la soo qabtay oo ka kooban illaa 4 xubnood ayaa waxaa horjooge uu ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda oo la sheegay inuu baxsad yahay, sida ay shaaciyeen saraakiisha Booliska Soomaaliya ee xalay howlgalka ka sameeyey degmada Kaaraan.

Taliyaha saldhigga degmada Howlwadaag, Najiib Carab oo faahfaahin ka bixiyey howlgalkan ayaa sheegay inay heleen xog sheegeysa in gaari laga dhacay xaafadda Daallo ee degmada Howlwadaag uu yaallo xaafadda Buulo Maxaay oo ka tirsan degmada Kaaraan, kadibna ay soo qabteen gaariga oo ah Karoolo, isaga oo rinjiga laga beddelay iyo raggii dhacay.

“Waxaan ku guuleysanay inaan helno xog ah in gaari laga dhacay Howlwadaag uu yaallo Kaaraan, waana ku guulaysanay burcada meelna ugama hari doono, waxaan leeyahay qof walbo oo burcad ah oo raba inuu Xamar ku dhuumaaleysto waan ka daba tageynaa,”

Sidoo kale waxaa wariyeyaasha la hadlay milkiilaha gaariga oo lagu magacaabo Shariif Xidig, wuxuuna sheegay in gaariga markii la dhacayey uu watay walaalkiis, isla-markaana ragga dhacay ay isku soo ekeysiiyeen ciidanka ammaanka, kadibna ay la carareen gaariga iyo wiilkaba balse mar dambe ay wiilka isaga tuureen meel wado ah, gaarigana ay wateen.

Shariif Xidig ayaa sidoo kale u mahadceliyey ciidamada Booliska Soomaaliya oo ugu dambeyn gaarigiisa u soo celiyey, xalayna ku wareejiyey.

“Gaariga waxaa la dhacay 22-kii bishii hore, habeen Jimco aheyd, waxaana laga qaatay wiil yar oo ila dhashay waxay u fariisteen meel lagu yaqaano askarta nabad sugidda waxay ku shideen toosh, sidaas darteed wuu ka istaagay waxayna ku amreen inuu gaariga ka dago, kadibna toorey ayey ku qabteen wayna isla wateen ku dhowaad 4 saacadood ayey wareejinaayeen markii dambena waxay ku tuureen meel wado ah,” ayuu yiri Shariif Xidig.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo loogu magac daray sama-kaab, isla-markaana lagula dagaalamyo kooxaha burcadda ah iyo ciyaal weerada.