Booliska oo soo qabtay koox dambiyo culus ka gaysatay Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan qaybta guud ee gobolka Banaadir ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgallo guuleystay oo ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen qaar kamid ah xaafadaha Muqdisho.

Booliska ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan lagu soo qabtay eedeysanayaashii ugu badnaa oo gaarayaa illaa 23 qof, kuwaas oo loo haysto dambiyo culus.

Sawirrada kooxdan lasoo qabtay oo lasoo bandhigay ayaa waxaa loo haystaa dil, dhaawac, dhac, iyo kufsi sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay taliska booliska.

“Hay’addaha amiga Gobalka Banaadir iyo shacabka caasimadda oo is kaashanaya ayaa soo qabtay eedeysanayaal gaaraya 23 eedeysane oo ku kacay falal iskuugu jira dil, dhaawac, dhac dadweyne iyo  ka ganacsi maandooriye” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in eedeysanayaasha ay xiran yihiin, laguna hayo baaris, iyada oo la geyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharci ah.

Sidoo kale ciidamada booliska ayaa farriin culus u diray shacabka, waxayna ka codsadeen in laga gacan siiyo amniga oo muhiim u ah qof weliba.

“Muwaadin hadii aad la kulanto falal amniga lidi ku ah la soo xariir xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed amma ku soo hagaaji police@g.v.so” aaa lasii raaciyay.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda ayaa kordhiyay howlgallada ka socda caasimada, kuwaas oo keenay in laga nasto qaraxyadii horay uga dhici jiray Muqdisho.