Booliska oo soo xiray Aabe si arxan darro ah u dilay wiilkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa looga hadlay howlgal ay ciidamada ammaanka xalay ka sameeyeen degmada Cabadicasiis ee gobolka Banaadir.

Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu soo qabtay Maxamad Cali Cilmi oo ku eedeysan inuu mindi ku dilay wiilkiisa oo ahaa 6 sanno jir.

Aabahan oo 45 sano jir ah ayaa saacado badan la baadi goobay, wuxuuna ku eedeysan yahay dilka wiilkiisa Maxamuud Maxamed Cali Cilmi.

“Ciidanka Saldhiga Boliiska Degmada Cabdicasis ee Qeybta Guud Gobolka Banaadir, ayaa gacanta ku soo dhigay edeysane Maxamad Cali Cilmi Ina Xaawo Cali Iimaan 45 jir ah, oo ku eedeysan inuu Degmada Heliwaa toorey ku dilay wiilkiisii Marxuum Saqiir Maxamuud Maxamed Cali Cilmi oo 6 sano jir ahaa” ayaa lagu yiri qoraalka taliska Booliska.

Sidoo kale taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in haatan uu socdo baaris ku aadan kiiskan xasaasiga ah, isla-markaana eedeysanaha loo gudbiyay hay’adaya ku shaqada leh.

“Eedeysanaha, waxaa ku socota baaris, wuxuu wajihi doonaa Maxakamada Awooda u leh si sharciga loo waafajiyo” ayaa mar kale lagu yiri.

Warar kale oo aan helnay ayaa sheegaya in Aabe Maxamed Cali Cilmi uu xanuunsan yahay, isla-markaana uu qabo xanuun dhimmirka ah.

Dhacdadaan xanuunka badan ayaa walwal ku reebtay dadka deegaanka, waxaana sidoo kale si weyn loo baahiyay baraha bulshada, ayada oo dad badana ay ka falceliyeen falkaasi.

“Habaar qabe haddaa maqasho waaa kanaa 6 jir muxuu ogyahy? bal wakasaa hee” ayuu yiri Sayid Cali oo kamid ay dadka ka hadlay.

“Subxaana allh wiilkan xogaa wa xanuunsan yahay ilaahey ku sababay wiilkiisa” ayay iyaduna tiri Amiiro Kooshin.

“Xasbunallah Illaheeyow na xifdi yaa rabbi” ayuu dhankiisa yiri Cabdullahi Muxudiin Maxamed.