Xasan Sheekh oo war cusub kasoo saaray colaadda ka taagan LAASCAANOOD

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo habeen hore ka qeyb-galay kulan dadweyne oo su’aalo lagu weydiinayay ayaa ka hadlay dagaalka Laascaanood ka socda muddo ka badan saddex bilood.

Madaxweynaha ayaa waxa uu ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC, islamarkaana la wada-hadlo halkii xabbad wax lagu raadin lahaa.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in dhiigga dadka Soomaaliyeed la daadiyo, iyada oo ugu dambeyn laga heshiin doono waxa lagu isku hayo sida uu ka sheegay kulanka dadweyne ee ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

“Waxaa ahmiyadda koowaad inoo ah in colaadda ka socota Sool iyo Sanaag in la joojiyo, dhiigga daadanaya uu istaago kadibna la wada-hadlo,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Dhinac walba xaajadu waan ka rogeynaa si loo helo midnimada Soomaaliya, in la heshiinayo waan hubaa balse waxa aan rabnaa in la joojiyo dhiigga baxaya.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in odayaal dhaqameed loo diray colaaddaasi, kuwaasi oo tegay magaalooyinka Garoowe, Laascaanood iyo Hargeysa, si ay u raadiyaan xal la isugu soo dhaweyn karo labada dhinac ee ku dagaalamaya halkaasi, laguna soo afjaro colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

“Laascaanood iyo deegaankaas waa in la joojiyo dhiigga daadanaya ka bacdina la wada-hadlo. Gargaar haddii la sameynayay waa la sameynay welina waa socona, inta muuqata waa intaas, wadiiqooyin kale oo qarsoon oo shaqo nooga socoto oo dhinac walba leh waa jiraan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ballan-qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka shaqeynayso in dadka reer Laascaanood aan lagu qasbi karin wax aysan raali ka aheyn, “wax iyagu raali ka yihiin ayaa soconaya, laakiin waxaa rabnaa in rabitaankaas laftigiisa uu si nabad ah ku yimaado oo si dhiig ku daadan ku imaan.”