Booliska Somalia oo xiray laanta dambi baarista CID

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta shaaciyey in la hakiyey muddo kooban howlaha ay qabato waaxda faraha ee hay’adda CID, taas oo bixisa warqadda dambi la’aanta.

War qoraal ah oo ay soo saartay taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Zakiyo Xuseen Axmed ayaa waxa ay ku sheegtay in laga bilaabo beri oo ay taariikhdu ku beegantahay 19/03/2020-ka, la xirayo xaruntaasi illaa muddo 15 cisho ah.

Zakiyo ayaa sababta ku sheegtay taxadar ku aadan faafinta cudurka Coronavirus oo kiis ka mid ah dhowaan laga helay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxay qoraalkeeda ku sheegtay in go’aankaan ay qaateen iyadoo la raacayo awaamiirta guud ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Iyadoo la raacaya awaamiirta guud DFS oo ku aadan taxadirka faafinta cudurka coronavirus, waxaa shacabka Somaliyeed ku wargelineynaa in laga bilaabo BERI taariikhduna ku beegantahay 19/03/2020 aan xirnay Waaxda Faraha ee CID oo bixisa warqada dembi la’aanta muddo 15 cisho ah.” ayey tiri S/ Guuto Zakiyo Xuseen.

Arrintaan ku soo aadeysa, iyadoo xalay dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in muddo 15 maalmood ah la xirayo goobaha waxbarasho ee magaalada Muqdisho.

Caawa 12:00-ka saqde dhexe ayaa sidoo kale la filayaa inuu dhaqan galo go’aankii lagu joojiyey duulimaadyada caalamiga ah ee garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.