Booliska Soomaaliya oo ka hadlay afduub ay gabdho walaalo ah jileen (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay wariyeyaasha ayaa faahfaahin ka bixiyey dhacdo ka dhacday degmada Dayniile, taas oo ku saabsan Afduub jileen ah oo ay sameeyeen laba gabdhood walaalo ah.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa marka hore beeniyey in la afduubtay gabdhahaasi, sida ay warisay warbaahinta qaar, kuwaas oo lagu kala magacaabo Asmo Cabdullaahi Cismaan iyo Shaadiyo Cabdullaahi Cismaan, isla-markaana ah 15 sano jir iyo sidoo kale 13 sano jir.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in afduubka uusan jirin, balse ay soo abaabuleen labada gabdhood oo waalidiintooda u sheegay in la afduubtay.

“Afduubka la sheegay ee warbaahinta laga baahiyey ma’aha afduub sax oo jira waa afduub ay gabdhaha abaabuleen iyaguna ay waalidiintooda u sheegeen in la afduubtay,” ayuu yiri.

Sababta ay sidaas u sameeyeen ayuu afhayeenku ku sheegay cabsi ka qabeen Aabahood oo Macalin Dugsi ah, kadib markii ay kasoo daaheen gurigooda, xilli habeen ah.

“Gabdhaha oo la wareystay xaqiiqdana la ogaaday ayna caddeeyeen inay ka baqayeen Aabahooda, maadaama ay xilli habeen ah soo habsaameen,” ayuu sii raaciyey.

Dhankiisa Aabe Cabdullaahi Cismaan Abkow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu walwal xoogan dareemay markii uu waayey carruurtiisa, wuxuuna tilmaamay in mar xitaa loo sheegay in gabdho meydad ah lasoo dhigay xaafadda Tiida ee magaalada Muqdisho.

“Intii ay gabdheheyga maqnaayeen laba gabdhood oo meyd ah ayaa lasoo dhigay xaafadda Tiida ayaa leygu dhahay” ayuu yiri Aabe Cabdullaahi, wuxuuna u mahadceliyey Booliska.

Arrintaan ayaa waxaa ka dhashay walaac xoogan iyo cabsi soo wajahday dadka deegaanka, maadaama markii hore la sheegay in labada gabdhood laga afduubtay gurigooda, taas oo uu haatan beeniyey Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo saameey baaris dheeri ah.