28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Boorsaani oo loo yeeray, xaalkana ku xun yahay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u yeeray guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Boorsaani soo ay wax ka weydiiyeen wararka ku saabsan inuu ganacsato ku wareejiyay xaruntii Baarlamaankii hore ee Muqdisho.

Kulan xalay dhex maray guddoonka iyo guddoomiyaha Gobolka Banadir ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) wuxuu si toos ah uga dalbaday guddoomiye Yuusuf Boorsaani inuu faahfaahin ka bixiyo arrinta Baarlamaankii hore, balse guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuusan bixin dhismaha Baarlamaanka oo kaliya ay weli tahay arrin miiska saaran.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa kadib u sheegay guddoomiye Boorsaani inuusan bixin karin, cid kalena ku wareeejin karin dhismihii horee ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News